Ciidamo Katirsan Gor-Gor Oo Tababar Ku Qaadanaya Turkiya

 

24-04-2021

 

MUQDISHO (SONNA) – Cutubyo katirsan Ururka 7-aad ee Kumaandooska Gor-Gor ayaa Tababar heer sare ah ku qaadanaya Magaalada Isbaarta ee Dalka Turkiya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa 9-ka Bishii Maarso 2021, Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Cutubkan katirsan Ururka 7aad ee Kumaandooska Gor-Gor ee Tababar ku qaadanaya Dalka Turkiya .

Wuxuuna kula dardaarmay in ay dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo Cilmi iyo Aqoon Ciidan soo kororsaday, wuxuuna Dowladda Turkiya uga mahad celiyay Taageerada joogtada ah ee la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply