Muxuu Taliska AFRICOM Ka Yiri Xaaladda Soomaaliya?

 

23-04-2021

 


Stephen J. Townsend | SAWIR: DOD

 

WASHINGTON – Taliyaha Milatariga Mareykanka ee taliska AFRICOM General Stephen Townsend ayaa khamiistii u sheegay golaha Senete-ka Mareykanka in welwelka ugu badan ee haatan ka jira Soomaaliya aanu aheyn Al-Shabaab, laakiin uu yahay deganaan la’aanta siyaasadeed ee aan xallin karin caqabadaha.

Caqabadahaas ayuu sheegay kuwa ka dhex aloosan dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee aan laheyn tanaasulka, kuwaas oo salka ku haya kordhinta muddo xileedka madaxweynaha oo uu ku sheegay inay ka baxsantahay dastuurka Soomaaliya.

Jeneraalkan ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka maamulkii Trump ee ku aadan ka soo saaristii ciimadama Mareykanka ee joogay Soomaaliya uu abuuray caqabado hor leh oo ku aadan la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab.

Wariyaha VOA ee Washington Ibraahim Xasan Garabey Daandurey ayaa warbixinta ka diyaariyay.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Taliska AFRICOM

– VOA Somali

Leave a Reply