Maraykanka Oo Taageeray Go’aanka Golaha Nabadda Iyo Amniga Ee Midowga Afrika

 

23-04-2021

 

Xafiiska Arrimaha Afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageeray Go’aanka Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee ku cambaareeyay Muddo Kordhintii Golaha Shacabka u sameeyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo.

Qoraal goor dhow kasoo baxay Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay Dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo Madaxda Soomaalida loogu baaqay inay Heshiis Degdeg ah ka gaaraan Doorashada.

“Waxaan taageersannahay Go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay Muddo Kordhinta ay Toddobaadkii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waan soo dhaweynaynaa Dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaan ku boorineynaa Madaxda Soomaalida inay Heshiis Degdeg ah ka gaaraan Khilaafka Doorashada,” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa Kulan ay ka yeesheen Arrimaha Soomaaliya waxaa ay ka soo saareen War-murtiyeed ay ku cambaareeynayaan Go’aankii Golaha Baarlamaanka ay Muddada Kordhinta ugu sameeyeen Madaxwaynaha Waqtigu Ka Dhamaaday ee Farmaajo.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply