Midowga Afrika Oo Ugu Baaqay Daneeyayaasha Siyaasada Soomaaliya In Ay Mudnaanta Siiyaan Wada-hadal Loo Dhan Yahay

 

22-04-2021

 

ADDIS ABABA – Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa Maanta kulan ka yeeshay Ismaandhaafka Doorashada ee ka taagan Soomaaliya, kadib markii Barlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay Sharci oggolaanaya Muddo Kordhin Labo Sano ah.

kulanka oo furmay Maanta Tobankii Barqanimo ayaa weli ka socda Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis ababa.

Golaha Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhamaan Daneeya-yaasha Soomaaliya inay Mudnaanta siiyaan Wada-hadal loo dhan yahay iyo Is-afgarad Siyaasadeed oo ku wajahan Nabada iyo Xasiloonida

Kulankan ayaa imaanaya Maalin uun kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku boorriyey Midowga Afrika inay fududeeyaan Wada-hadallada u dhexeeya Dowladda iyo Mucaaradka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isniintii la soo dhaafay Wada-hadal la yeeshay Madaxweynaha DRC, Felix Tshisekedi oo hadda ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, arrimo ku saabsan sidii loo xallin lahaa Qalalaasaha Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Talaadadii, Xubnaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay waxay ku boorriyeen Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay dib ugu laabtaan Miiska Wada-hadalka, si loo ambo qaado Heshiiskii Sebtember 17.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply