Daqtar Caan Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho, Iyo Dil Kasii Horeeyay Habeenimadii Xalay

 

22-04-2021

 

Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ay Xaafada Albaraka ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ku dileen Dr Xasan Cismaan Ciise (Dr Buurane) oo ahaa Daqtar ku takhasusay Cudurarada Maqaarka, iyaga oo Dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in Xilliga la dilayay Daqtarka uu ku sugnaa Banaanka Gurigiisa, isla markaana rag ku hubeysnaa Bistoolado ay dhowr Xabad kaga dhufteen qeybta Sare ee Jirkiisa halkaasna uu ku geeriyooday.

Qaar kamid ah Ehellada Daqtarka iyo Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa tagay halka Dilka uu ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday Meydka Alle ha u Naxariistee Dr Xasan Cismaan Ciise (Dr Buurane), iyada oo sidoo kale Ciidamada ay sameeyeen Howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa Dilka Daqtarka iyo Cidda dishay, iyada oo Laamaha Amaanka Dowladda Soomaaliya aysan weli wax Faah-faahin ah ka bixin Dilka loo geystay Daqtarka Caanka ku ahaa Cudurada Maqaarka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho kusoo batay Dilalka qorsheysan, waxaana Dilkaan uu kusoo aadayaa Xilli Habeenimadii Xalay Xaafada Siliga Ameerikanka ee Degmada Wadajir lagu dilay Xildhibaan katirsanaa Golaha Degaanka Degmada Warshiikh oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxman Maxamed Cabduqaadir oo loo yaqaanay Cabdi Kamaal Shiikhaay.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply