Golaha Amaanka Qaraamida Midoobay Oo Ku Baaqay In Dib Loogu Laabto Wadahadalladii Teendhada Afisiyooni Ee Muqdisho

 

21-04-2021

 

NEW YORK – Golaha Amaanka ee Qaraamada Midoobay ayaa kulan ay albaabada u xiran yihiin uga doodday Xaalada Siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo ugu baaqay Dhinacyada Soomaalida in ay dib ugu laabtaan Wadahadalladii Teendhada Afisiyooni ee Muqdisho.

Kulanka ayuu Golaha Amaanka ee Qaraamada Midoobay uu Warbixin la xiriirta Xaalada Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya, uu uga dhageystay Wakiilka Gaarka ah ee QM James Swan, gaar ahaa Ismari-waagii Wadahadallada Doorashada ee ugu danbeyntii sababtay in Baarlamaanka Soomaaliya Muddo Korhidn Labo Sano ah ugu darro Dowladda hadda jirta.

Wakiilada Wadamada Xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaraamada Midoobay oo qaarkood qoraal soo saaray, ayaa sheegay Muhiimada ay leedahay in dib loogu laabto Wadahadalladii Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho oo ay garwadeen ka ahaayeen Beesha Caalamka.

“Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo Wadahadalladii Doorashada ee ku saleysanaa Heshiiskii 17 September” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxaay Ergada Norway ee Golaha Ammaanka.

Waxaa sidoo kale aragtiyo taa lamid ah soo jeediyay Wakiilada Golaha Amaanka ee Qaraamada Midoobay ee wadamada Ireland iyo India, kuwaa oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in mar kale Wada-hadal leysugu yimaado.

Baaqa Golaha Amaanka ayaa imanaya xilli dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya meel mariyay Qorshe loogu magac-darray Jiheynta Doorashada oo qaadanaya Muddo Labo Sano ah, waxaana siweyn arinkaa uga soo horjeestay oo diiday qaar kamid ah Madaxda Dowlad Gobolleedyada, Madaxweynayaashii Hore, Midowga Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply