Faah-faahino: Qasaarihii Ka Dhashay Hoobiyeyaashii Galabta Lasoo Gamay

 

21-04-2021

 

Faah -faahino ayaa ka soo baxaya Qasaarihii ka dhashay Hoobiyeyaal Galabta lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah Hoobiyeyaashaasi ayaa gudaha ugu dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo mid kalena uu ku dhacay Darbiga dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya, halka Hoobiyeyaal kalena ay ku kala dhaceen Xaafadaha ku dhow-dhow Fila Soomaaliya (Villa Somalia) ee ka kala tirsan Degmooyinka Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) iyo Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Inta laga warqabo saddex qof oo Rayid ah ayaa ku dhintay Hoobiyeyaasha ku dhacay Xaafadaha ku dhow-dhow Madaxtooyada Soomaaliya, halka shan Qoofood; kalena ay ku dhaawacantay.

Hal Hoobiye oo ku dhacay Guri ku yaala Degmada Warta Nabadda, ayaa waxaa ku dhintay Nin Dhalinyaro ah oo xilligaa hurdaayay, sida la sheegayo. Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Maxamed Xasan.

Dadka dhaawacmay ayaa u badan arday, kadib markii uu Hoobiye ku dhacay Dugsi Qur’aan ay dhiganayeen. Qaarkood ayaa xaaladoodu culus tahay.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in aanay jirin wax Qasaaro ah oo ka dhashay Labada Hoobiye ee midkood gudaha ugu dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, kan kalena ku dhacay Dirbiga dambe ee Dhismaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Al Shabaab aa war ay soo saartay, aa waxey ku sheegtay in taniyo lix Hoobiye ay ku gameen Aqalka Fila Soomaaliya (Villa Somalia).

Xigasho: Uniersal TV Somali

Leave a Reply