Wareysi: Safiirkii Hore Ee Mareykanka Oo Ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya

 

20-04-2021

 


Stephen M. Schwartz

 

WASHINGTON – Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadley Xaaladda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaa Is-mari waaga Arrimaha Doorashada

Safiirkii hore oo aan hada u shaqeyn Dowladda Mareykanka islamarkaana ah howlgab. Schwartz waa Diblomaasi muddo dheer ka soo shaqeeyey Qaarada Afrika.

Waraysi ay la yeelatay Falastiin Axmed Iimaan waxaa lasoo jeedinaya Jacfar Kuukaay.

 HALKAN KA DHAGEYSO Wareysi: Safiirkii hore ee Mareykanka oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya

Xigasho: VOA Somali

 

Qatar Oo Ka Jawaabtay Eedeyn La Xiriirta Fahad Yaasiin Oo Loo Jeediyey

20-04-2021

 


Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani

 

DOHA – Dawladda Qatar ayaa beenisay inay jiraan Lacago ay Soomaaliya usoo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.

Eedayntaas ayaa ku jirtay Waraysi uu VOA siiyey Safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.

Qatar ayaa Qoraal ay usoo dirtay VOA ku sheegtay inaysan jirin Lacag Madow oo ay Soomaaliya geliso, balse waxay sheegtay inay Sanadkii tegay Miisaaniyadda Dowladda ku taageertay $20 Milyan.

DHAGEYSO Qatar oo jawaab ka bixisay eedeyn la xiriirta Fahad Yaasiin oo loo jeediyey

Xigasho: VOA Somali

 

Leave a Reply