Madasha Badbaado Qaran Oo Warqad Cabasho Ah U Dirtay Golaha Amaanka Ee Qaraamida Midoobay

 

20-04-2021

 

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku midoobeen Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa fariin u diray Golaha Amaanka ee Qaraamida MidoobayXiili lagu wado inay Maanta ka shiraan Xaalada Siyaasadda Soomaaliya.

Madashada ayaa Warqadda ay direen waxay ku xuseen sida ay uga soo horjeedan Muddo Kordhintii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ku ansixiyeen Qaraar Labo Sanno ah iyo Khilaafka ka taagan, iyaga oo codsaday in Fariintooda laga hor aqriyo Golaha hortooda.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee ka socday Teendhada Afisiyoone ayaa Natiijo La’aan ku so dhamaaday markii dhinacyadu ay isku afgaran waayeen Hannaanka Wada Xaajoodka, wax Tanaasul ahna la heli waayay.

Madasha ayaa sidoo kale sheegtay Go’aanadii ay qaadatay.

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ay ku kororsadeen Shaqadooda iyo Tan Madaxweynaha Laba Sannadood waa waxba kama jiraan.”

Sidoo kale, waxey Madasha Badbaado Qaran ay sheegtay in Go’aankaas uu Khatar ku yahay Xasilloonida, Nabadda iyo Midnimada Soomaaliya iyo tan Dadka Soomaaliyeed.

 

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply