Farmaajo Oo Sheegay In Uu Diyaar U Yahay Doorasho Loo Dhan Yahay, Xilli Muran Kajiro Muddo Kordhinta

 

20-04-2021

 

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in la qabto Doorasho loo dhan yahay Xilli 12-kii Bishaan ay Golaha Shacabka Muddo Kordhin u sameeyeen.

Farmaajo oo Booqasho ku tegay Dalka Jamhuuriyadda Demoqaraadiga Koongo ayaa ka codsaday Madaxweynaha Dalkaas ahna Gudoomiyaha Midowga Afrika in uu fududeeyo kor-joogtana ka noqdo Wadahadal la isugu keeno Dhinacyada Soomaalida.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Madaxweyne Farmaajo uu diyar u yahay Qabsoomida Doorasho loo dhan yahay, sidoo kalena ay soo dhaweeynayaan inuu Kaalin ka qaato Fududeynta Hanaan Soomaali ay hoggaamineyso.

“Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo,” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Aysan Ka Tanaasulin Xeerkii Jiheynta Doorashooyinka Soomaaliya, balse ay diyaar u yihiin inay dhacdo Doorasho loo dhan yahay, taas oo aan la ogeyn sida ay isku qaban karto.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa Xilli Saamileyda Dalka iyo Beesha Caalamka ay Kasoo Horjesteen Muddo Kordhintii loo sameeyay Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Xigasho: Borama News

Leave a Reply