Faah-faahino Kasoo Baxaya Qarax Ka Dhacay Muqdisho

 

20-04-2021

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qasaarihii ka dhashay Qarax xoogan oo Barqanimadii Maanta ka dhacay Xaafadda Daaru-Salaam ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino, ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka Degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud ee Magaalada Muqdisho, kaas oo la soo wariyey inuu u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Qaraxaasi.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax Faah-faahino ah oo ay Saraakiisha Laamaha Ammaanka ka bixiyeen Qaraxaasi, balse waxaa Goobta tegay Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka oo Baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay Falal liddi ku ah Amniga, kuwaas oo isugu jiro Dilal qorsheysan iyo sidoo kale Qaraxyo geystay Qasaare kala duwan.

Isha Warka: Radio Shabelle | Sawiradda: Radio Risaala

 

Leave a Reply