Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya Ayaa Gaaray Dalka Jamhuuriyadda Demoqaraadiga Koongo

 

19-04-2021

 

MUQDISHO – Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla markaana Sii Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney gaareen Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Demoqaraadiga Koongo ee Kinshaasa, kadib markii ay Fiidnimadii Shalay ay ka ambabexeen Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Maalintii Sabtida ayey aheyd markii Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Teendhada Afsiyooni laga dhex-taagay ee Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho uu kula kulmaayay Wakiilada Beesha Caalamka isla markaana ay ka dalbanayeen in uu ka laabto Muddo Kordhinta Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya ee uu sameeyay Gudoomiyaha Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Hase ahaatee, waxaa uu Beesha Caalamka uu u sheegay inuu lasoo xaajoon doono Musharixiinta Mucaaradka ah iyo Dadka Diidan Muddo Kordhinta; kadibna uu kusoo noqon doono.

Waxaa xigtay in Midowga Musharixiinta ay ka diidaan Fariinta uu Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Habeenimadii Axada soo galeysay uu ugu soo faray Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ee Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle, waxeyna u fareen in Muddo Kordhinta loo sameeyay Farmaajo ay hareermarsan tahay Dastuurka Soomaaliya.

Socdaalka uu Farmaajo iyo Wafdigiisa ay ku tagayaan Dalka Jamhuuriyadda Demoqaraadiga Koongo waxey aheyd Sir uu Farmaajo ka qarinayay Wakiilada Beesha Caalamka uu kula kulmay Teendhada Afisyoone Maalintii Sabtida aheyd, wuxuuna ugu Been Guuray inuu la Xaajoon Doono Musharixiinta Mucaaradka ah.

Wakiilada Beesha Caalamka ah waxey ku mashquuleen Been Guurkii ahaay: waxaan lasoo xaajoonayaa Musharixiinta Mucaaradka ah iyo Dadka Diidan Muddo Kordhinta.

Intey ku mashquulsanaayeen Been Guurka, ayuu Farmaajo iyo Wafdigiisaba ay u dhoofeen Jamhuuriyadda Demoqaraadiga Koongo.

Weydiinta waxey tahay: maxey tahay Talaabada Xigto ay Wakiilada Beesha Caalamka ay qaadi doonaan?

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

 

 

Leave a Reply