Faalada Maanta Waxey Kusaabsan Tahay Waxa Isla Kulmiyo Markii Farmaajo Wax Lagu Qabsado, Iyo Lacagaha Lagu Qabto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

 

19-04-2021

 

Maalintii Shalay oo ay Taariikhduna aheyd 18dii Abriilo 2021da, waxaa uu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu sheegay in Lacag tiro badan oo ka timid Dalka Kenya lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

 

“Waxaan ku boggaadinayaa Ciidanka Booliska ee Saldhigga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo qabtay Lacag tiro badan oo Sharci Darro Dalka ku soo gashay, lana socotay Diyaarad ka timid Dalka Kenya,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Bogaadinta uu Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu u dirayay Ciidanka Booliska ee Saldhigga Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde kadib Qabashada Lacagta, ayaa waxaa Daah lagu saarayay Muddo Kordhinta Labada Sanno ah ee loo sameeyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo, iyadoone Dad Weynaha Soomaaliya leysu tusinayay Waddaniyiin; si markaasi loo Xalaaleysto Muddo Kordhinta Xaaraanta ah.

Waxaa xegtay in Suuqyada Muqdisho iyo Baraha Bulshada lasoo geliyo Warar sheegayo in Madaxweynaha Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya ee Farmaajo uu u dhoofayo Dibadda asiise aan la sheegeyn Dalka uu u socdaalayo.

Waxaa soo baxday in uu u socdaalay Dal Afrikaan ah, kaasoo noqday Jamhuuriyadda Demoqaraadiga ee Koongo, isagoona Sii Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya isla markaana Dadweynaha Soomaali-yane isu tusinayo Waddani.

Sanadkii 2011dii ayey aheyd markii lagu kacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Raisul Wasaare ah, kadib markii uu Madaxweynehii Xiligaas, Shariif Shiikh Axmed uu magacaabay Bishii Oktoobar 2010kii.

Waxaa ku xigtay in Lacag dhan $3.6 oo Doolarka Mareykanka ah lagu qabto Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde Taariikhda marki ay aheyd 24tii Maajo ee Sanadkii 2011dii, sida uu markaasi sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdullaahi Xasan Bariise.

Weydiinta waxey tahay: maxaa isla kulmiyo markii Farmaajo lagu qabsado Talada Dalka, iyo Lacagaha lagu qabto Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee Muqdisho?

Warcelinta waa uunn Shax la dego ee halala socdo Shaxaha leysu dego, si markaasi loo badbaadiyo Dadka iyo Dalka Soomaaliya isla markaana looga badbaadiyo kuwa u degayo Shaxaha.

Waxaa qoray Arfax Cosoble Samaale

 

Leave a Reply