UK Oo Beenisay In Ay Taageertay Muddo Kordhinta Farmaajo

 

18-04-2021

 

Danjirta UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa iska diiday War loogu Been Abuurtay oo Baraha Bulshada Saraakiisha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya lagu baahiyey, kaddib Kulan ay Danjirtaa ay la yeelatay Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka.

Sida Danjirta ay sheegtay “Waxaa Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka loo sheegay inaysan UK Taageeri Doonin Muddo Kordhin. Waxayna Madaxda Soomaalida u soo jeedisay in Miiska Wada-hadalka dib loogu laabto”.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay in Arrimaha Siyaasadda laga dooday oo UK ay taageertay Dowladda Soomaaliya, Dadaalada ay waddo.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply