Siyaasiga Cabdiraxmaan Baadiyow: Wax Aan Heshiis Lagu Aheyn Kama Hirgalayaan Dalkeena

 

18-04-2021

 

Siyaasiga Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow ayaa markale ka hadlay Xaaladda Murugsan ee Dalka ka taagan ee ka dhalatay Muddo Kororsiga Labada Sanno ee Hay’adaha Dowladda Federaalka loo sameeyay.

Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in cod kore iyo mid hooseba uu ku sheegayo in wixii aan Heshiis lagu aheyn, aanay ka dhaqangelin karin Dalka.

“Ogaada, waa ku celcelinayaa, kor iyo hoos ayaan u sheegayaa, wax aan Heshiis lagu aheyn kama hirgalayaan Dalkeena,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow.

Waxa kaloo uu sheegay in wixii aan Heshiis lagu aheyn ay Dalka u horseedayaan Colaad oo keliya, Xilli sida uu qirayba uu Dalku Dagaal ka daalay.

“Wixii aan heshiis lagu aheyn waxaa ka dhalanaya Colaad iyo Dagaal. Dalkaynu Colaad iyo Dagaal waa ka soo daalay. Waa Waqtigii Nabadda iyo Heshiiska. Heshiis! Nabad!” Ayuu yiri Baadiyow oo warkan ku sheegay Bartiisa Twitter-ka.

Sharciga gaarka ah ee Muddada loogu kordhiyay Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sii kala fogeeyay Dhinacyada Siyaasadda ee Dalka.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply