Midowga Musharixiinta Oo Ka Hadlay Geerida Prof Maxamed Cabdi Gaandhi

 

18-04-2021

 

Midowga Musharixiinta ayaa ka Tacsiyeeyay Geerida ku timid Prof Maxamed Cabdi Gaandhi oo ku geeriyooday Dalka faransiiska, waxaana siyaabo kal duwan uga hadlay Geeridiisa Mas’uuliyiin katirsan Midowga Musharixiinta.

Marxuumka ayaa hadda wuxuu kamid ahaa Madasha Xisbiyada Qaran oo uu Guddoomiye Ku-xigeen ka ahaa.

Madaxweyenihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo Qoraal soo saaray ayaa kaga Tacsiyeeyay Geerida Marxuumka, waxaana uu xusay Doorkii uu ku lahaa Dowladihii Dalka soo maray.

“Waxaan Shacbiga Soomaaliyeed la wadaagayaa Murugada iyo Geerida Prof Maxamed Cabdi Gaandhi oo ay isoo gaartay inuu ku geeriyoodey Dalka Faransiiska. Prof Gaandhi waxaan is barannay 2006, Xilligaas oo uu ka shaqeynayay Dhex-dhexaadinta Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN iyo Midowga Maxaakiimta. Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay, Samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo, Ilaahayna waxaan u weydiineynaa Naxariistii Janno,” ayuu yiri Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.

Dhanka kale, Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qoraal uu soo saaray waxaa uu kaga Tacsiyeeyay Geerida Marxuumka.

“Eebbe Naxariistiisa Janno haka waraabiyo Marxuum Xildhibaan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.Waxa uu Kaalin Weyn ka soo qaatay Dib-u-dhiska Dowladnimada Soomaaliya. Dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Sabar iyo Iimaan Alle haka siiyo,” ayuu yiri Xasan Sheeekh, Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply