Kulan Ay Xalay Yeesheen Midowga Musharaxiinta Iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Galmudug Iyo Hirshabeelle

 

18-04-2021

 

Waxaa Magaalada Muqdisho weli ka socda Kulamo Siyaasadeed oo u dhexeeya Saamileyda Dalka, kuwaas oo badi looga hadlayo sidii Xal looga gaari lahaa Muranka Doorashooyinka iyo Dooda ka dhalatay Muddo Kordhinta ay Golaha Shacabka u sameeyeen Hay’adaha kala duwan ee Dalka Soomaaliya.

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho Kulan ku yeeshay Qaar kamid ah Hoggaamiyeyaasha Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle, iyaga oo ka wada hadlay Muddo Kororsiga ay sameeyeen Golaha Shacabka.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay Midowga Musharixiinta u gudbiyeen Farriin ay ka sideen Farmaajo, taas oo ah in uu codsaday in uu la kulmo Midowga Musharixiinta.

Hayeeshee, Midowga Musharixiinta ayaa Labada Madaxweyne ee Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle dhankooda ka dalbaday inay ka jawaabaan Baaqii ay horay ugu direen ee ahaa inay Cadeeyaan Mowqifkooda ku aadan Muddo Kordhinta loo sameeyay Farmaajo, iyaga oo u sheegay in aysan ka dooneyn inay u keenaan Farriin ka timid Farmaajo.

Ilo Xog-ogaal ah ayaa Radio Risaala u sheegay in kulanka uu noqday mid la isku fahmi waayay, isla markaana uu isaga baxay Musharax Madaweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyada oo ay markii dambe Shirka sii amba qaadeen Labadii Madaxweyneyaal ee Hore Shariif Shiikh Amed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, iyo Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle Qoor-qoor iyo Guudlaawe.

Shalay, Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu Teendhada Afsiyooni ee Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho uu kulan kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana ay ka dalbadeen in laga laabto Muddo Kordhinta. Ha yeeshee, waxaa uu u sheegay in uu lasoo xaajoon doono Musharixiinta Mucaaradka ah iyo Dadka Diidan Muddo Kordhinta, isla markaana ay isku soo laaban doonaan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si Adag Uga Soo Horjeestay Tallaabada Muddo Kordhinta ah, iyaga oo Cunaqabateyn ugu hanjabay Madaxda Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku lugta leh Muddo Kordhinta la sameeyay.

Xigasho: Shaaciye News 

Leave a Reply