Farmaajo Oo Lagu Tilmaamay Inuu Ku Dayanayo Afewerki

 

18-04-2021

Agaasimaha Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch Kenneth Roth, ayaa Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Fariin Qoraal ah oo uu ku muujinayo in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dayanyo Madaxweynaha Dalka Erateriya Isaias Afwerki oo Muddo Badan Xukunka Haya.

“Layaab malahan in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ay Golaha Shacabku u sameeyaan Muddo Kordhin Hal Dhinac ah oo Laba Sanno ah Xili uu u muuqdo inuu qaadayo Wadada Madaxweynaha Dalka Eratariya Isaias Afwerki isla markaana Xukunka haya Muddo Dheer kaas oo Bilooyinkii ugu dambeyay ay noqdeen Xulufo aad isugu dhow” ayuu ku yiri Qoraalkiisa Kenneth Roth.

Hadalka Agaasimaha Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights ayaa imaanaya Xili Wadamada Beesha Caalamku ay siyaabo kala duwan uga hadleen Arrinta Muddo Kordhinta.

Beesha Caalamka ayaa kasoo horjeestay Tallaabada Muddo Kordhinta ah, waxaana ay ku goodiyeen inay Jawaab ka bixi doonaan haddii aan Warkooda la maqlin kaas oo la xiriira in la sameeyo Hannaan oggalaanaya in Doorasho loo dhanyahay Dalka ay ka dhacdo.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply