Mahdi Guuleed Oo Maanta Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya

 

17-04-2021

 

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian.

Kulanka dhexmaray Mahdi Guuleed iyo Safiir Qin Jian ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Xoojinta Xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale inta uu Kulanka socday ayaa waxaa looga arrinsaday Xiriirka Labada Dal ee dhinacyada Waxbarashada, Dhaqaalaha, Arrimaha Bani’aadminimada, Iskaashiga, amniga iyo la tacaalidda Cudurka Halista ah ee COVID-19.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay Taageerida kala duwan ay siiso Dowladda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka soo gaarsiisay Tallaalka looga hortago Cudurka Halista ah ee COVID-19, kaasi oo ay ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya.

Xigasho: Radio Dalsan

 

Leave a Reply