Madaxweynihii Hore Ee Soomaliya Shariif Shiikh Axmed Oo La Kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

 

17-04-2021

 

FILE – Somalia’s President Sheik Sharif Sheikh Ahmed, seen, during a ceremony at the Cankaya Presidential Palace in Ankara, Turkey, Friday, April 17, 2009. (AP Photo/Burhan Ozbilici)

 

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa Xalay waxaa uu kulan Xasaasi ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka oo ka dhacay Hoyga Madaxweynehii Hore, Mudane Shariiif Shiikh, ayaa ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen.

Wararka laga helay Kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in si weyn looga hadlay Dooda ka dhalatay Muddo Kororsiga, isla markaana Mudane Shariif Shiikh Axmed uu ka dalbaday Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliya in aan Ciidamada loo adeegsan Dano Gaar ah oo Siyaasadeed.

Mudane Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku eedeeyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Sii Hareermaray Dastuurkii Soomaaliya, in uu Arrimo Siyaasadeed u adeegsaday Ciidamada; kuna weeraray Dadka ka Aragtida Duwan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka taagneyd Dood ku saabsan Sharciga Gaarka ah ee Jiheynta Doorashooyinka Dalka Soomaaliya, waxaana lasii kala fogaaday markii Muddo Xileedkii Dhamaaday lagu sii kororsaday 2 Sannodood Maalintii Isniinta aheyd ee Abriilo 12da, Sanadka 2021da.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply