Faahfaahin: Shirkii Farmaajo Iyo Beesha Caalamka

 

17-04-2021

 


Sawir: Villa Somalia (Official Publication)

 

MOGADISHU – Wararka ka imanaya Magaalda Muqdishu ayaa sheegaya in maanta uu Kulan dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Federaaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Xubno katirsan Wakiillada Beesha Caalamka.

Shirkaasi ayaa Ilo Xog Ogaal ah u sheegeen VOA in uu codsaday Madaxweyne Farmaajo.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay u sheegeen in uu beddelo Mowqifka ku saabsan Muddo Korodhsiga dibna loogu laabto Wadahadal iyo Wadar-oggol.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uusan markiiba siinin Jawaab balse lagu soo kala tagay is faham in la isku soo laabto.

Kulanka waxa ka qaybgalay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlanga, Safiirrada UK iyo Maraykanka Kate Foster iyo Donald Yamamoto oo matalayay Beesha Caalamka.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa la sheegay inay Si Cad ugu sheegeen Madaxweynaha Cawaaqibka ka iman kara Go’aanka Muddo Korodhsiga, sida ay Ilaha Xog Ogaalka u sheegeen VOA.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo inuu Is Beddeli Doono Iskaashiga Beesha Caalamka iyo Dowladda oo ay Arrintan Saamayn Doonto.

Waxay ugu baaqeen in Wada Xaajoodka Arrimaha Doorashada dib loo bilaabo.

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply