Xiisad Caawa Ka Jirta Magaalada Muqdisho

 

16-04-2021

 

Xiisad Colaadeed ayaa Caawa dib uga soo cusbaanootay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu kala shaki soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Taliyihii Hore ee Booliska Gobolka Banaadir, Jeneral Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Jeneral Saadaq Joon oo watay Gaadiidka Dagaalka ayaa dib ugu laabtay Xaafadda Shirkolo Ofishiyaale (Circolo Ufficiale) ee Degmada Hodan, kadib markii Dowladda Federaalka ay Ciidan soo dhoobtay Wadooyinka soo gala Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde.

 

Wararka ayaa sheegaya in Saadaq Joon uu dareen ka muujiyay Ciidanka faraha badan ee Dowladda Federaalka soo dhigtay Aagga Garoonka Diyaarada Caalamiga ee Aadan Cadde, taasoo ku khasabtay inuu dib ugu laabto Xaafaddii hal habeen kahor Wadahadalada looga soo celiyay.

Dowladda Federaalka ayaa markale Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad soo dhigtay Wadooyinka gala Xaafadda Shirkolo Ofishiyaale (Circolo Ufficiale), oo ay ku badan yihiin Qoyska Saadaq Joon.

Tani ayaa loo fasirtay Suurtagalnimada Weerar ay markale gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka oo lagu qaado Saadaq Joon, si gacanta loogu soo dhigo Jananka.

Xildhibaano ay kamid yihiin Mahad Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa Caawa gaaray Xaafadda Shirkolo Ofishiyaale.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Taliyaha Nabad Suggida, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ku eedeeyay inay Beel gaar ahi duulaan ku yihiin, isagoona ku baaqay in la iska difaaco.

”Xildhibaanadeena Habargidir ayaa hadda soo gaaray Shirkolo Ofishiyaale. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan Cadowga iso soo baheystay. Waanan ka guuleysanaynaa Insha’Allah.” Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Xiisaddan ayaa si guud looga dareemay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan aafadda Shirkolo Ofishiyaale iyo Xaafadaha kale ee ku dhow dhow.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply