Masar Iyo Jabuuti Oo Ka Wada-Hadlay Muranka GERD Iyo Deganaanshaha Geeska Afrika

 

16-04-2021

 

Madaxweynaha Masar, C/Fatax El-sisi waxaa xalay Qadka Telefoonka kula soo xiriiray dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Omar Geelle, iyagoo ka wada hadlay Xiriirka Labadooda Dal, Xal-u-helida Muranka Biyo-xireenka GERD ee Itoobiya, Deganaanshaha iyo Ammaanka Mandiqada Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Madaxweyne El-sisi waxaa uu Madaxweyne Geelle ugu hambalyeeyey Dib-u-doorashdisa, wuxuuna u rajeeyey inuu ku guuleysto Horumarada ay hiigsanayaan Dadka Reer Jabuuti.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay inay Labada Madaxweyne isku waafaqeen Baahida loo qabo Xal-u-helista Khilaaafka Biyo-Xireenka GERD ee Itoobiya, si looga baaqsado Saamaynta Xun (Negative Impact) ee wax u dhimaysa Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha.

Madaxweynaha Masar waxaa uu tilmaamay inay Masar ka go’an tahay Baahida loo qabo in Heshiis dhamaystiran oo Sharciyeysan laga gaaro Buuxinta iyo Hawlgalka ee Biyo-xireenka Weyn ee GERD ee Itoobiya.

Wareegyadii Wada-xajoodyadka ee u dhexeeyey Masar, Sudaan iyo Itoobiya ee ku aaddanaa Biyo-xireenka GERD ayaa lagu guul-daraystay, iyadoo Dowladaha Masar iyo Suudan ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya Fashilka Kulamadaasi.

Itoobiya waxay kaloo sheegtay inay Buuxinta Biyo-xireenka dhamaystiri doonto bisha Juulaay ama Luuliyo haddii Heshiis la gaaro iyo haddii kaleba.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply