Maraykanka Oo Danjire Cusub U Magacaabay Soomaaliya

 

16-04-2021

 


Sawir: US Department of State

 

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa shalay Danjire cusub u magacaabay Soomaaliya, kaasi oo marka la ansixiyo baddali doona Danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii Oktoober (October) ee 2018.

Madaxweyne Biden ayaa magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan soo shaqeynayay. André ayaa hore u ahaa Safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay Nofeember (November) 2017 illaa Janwari (January), 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday Safiirkii Maraykanka ee dalka Muritaaniya (Mauritania).

André ayaa kamid ahaa 9 magac oo shalay Aqalka Cad uu ku dhawaaqay kuwaasi oo badankood Safiirro ka noqon doona dalalka Qaaradda Afrika (Africa) ku yaalla.

Safiiradda ayaa waxay u baahnaan doonaan Anxisinta Aqalka Seneetka (Senate) Maraykanka.

Dhageyso Magacaabista Danjiraha Cusub

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply