Dr. Baadiyow Oo Ka Digay Halista Muddo Kordhinta

 

16-04-2021

 

Waxaa soo badanaya Waxgaradka iyo Aqoonyahannada Soomaaliya, ee ku baaqaya in laga hortago Damaca Muddo Kordhinta ee Farmaajo doonayo, taas oo dhawaan Qaraar kusaabsan uu meel mariyay Golaha Shacabka.
PH
Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliya, ayaa sheegay in muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha Sharci dajinta iyo Fulinta ay tahay sharci darro, burbur iyo barakac sababi karta.

Guddoomiye Ku-xigeenka National Forum Party (NFP), ayaa tilmaamay in Muddo Kordhin iyo Doorashooyin Boob ah ay sababi doonaan Dagaallo Sokeeye, isla markaana ay wiiqayaan Kala-danbeynta, Amniga iyo Dimuqaariyadda.

“Muddo Kordhinta lagu dhawaaqay ee Hay’adaha la doorto ee Dalka, waxey wiiqaysaa Sharciyadda, Midnimada iyo Dimoqaradiyadda. Waxaa ka dhalan kara Dagaal Sokeeye,” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Dadka la dhacsan Muddo Kordhinta ayuu ugu baaqay in ay Indhaha kala furaan, ogaadaanna in Jidka Farmaajo qaaday uu yahay mid horseedi doona kala haad mar kale ka dhaca Soomaaliya.

“Inta Niyadda San oo aan ogeyn waxa ka dhalan kara Tilaabadaas, ha ogaadeen iney Waddo Khaldan u horseedeen Dalka,” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Xigasho: Keyd Media

Leave a Reply