Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibbada Balal Cusmaan Oo La Kulmay Safiirka Ruushka Ee Soomaaliya

 

15-04-2021

 

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Balal Cusmaan ayaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) kula kulmay Safiirka Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Michail Golovnov.

Kulankan oo ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen ayaa Labada dhinac waxa ay ugaga Wada-hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Dal.

Arrintan ayaa u muuqata mid Dowladda Soomaaliya uga jawaabeyso Hanjabaadii Mareykanka, isla markaana farriin ugu direyso, haddii Mareykanka Xiriirka u jaro inay soo dhoweysaneyso Ruushka, maadaama Ruush iyo Mareykanka ay yihiin Labo Quwadood oo iska soo horjeedo.

Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa xumaaday kadib markii Dowladda Maraykanka ay si cad ugaga soo horjeesatay Muddo Kordhinta ay Dowlada Federalka sameysatay.

Hase yeeshee, Dowlada Maraykanka ayaa dhinacyo badan ka taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay kamid tahay dhinaca Milatariga iyo weliba Horumarka.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply