Madaxweyneyaashii Hore Oo U Guuray Waqooyiga Muqdisho

 

15-04-2021

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyaashii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed ay ka guureen Guryihii ay deganaayeen ee Aagga Garoonka Diyaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho, waxayna degeen Waqooyiga Magaalada Muqdisho ee Gobalka Banaadir.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Shiikh uu degay Nawaaxiga Mirinaayo oo Dhinaca Degmada Kaaraan ah, halka Shariif Shiikh Axmed uu Maanta u guurayay Aagga Fagax, waxaana jira warar kale sheegaya in Xasan Cali Kheyrre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay iyagana degayaan goob kale oo kamid ah Degmooyinka Magaalada.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib Xiisad ka dhalatay Muddo Korarsiga uu sameestay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabsi Amni oo Xalay ka jirtay Muqdisho.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply