Madaxweynaha Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya Ayaa Darajadii Ka Xayuubiyay Jeneraal Saadaq Joon

 

14-04-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Warar lasoo gaarsiiyay Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir Media) isla markaana kasoo gaaray Magaalada Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxey sheegayaan in Madaxweynaha Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya oo ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu Darajadii Jeneraalnimo ee Ciidanka Boliiska Soomaaliya uu ka xayuubiyay Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) oo ahaay Taliyehii Ciidanka Boliiska ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Wararka waxey ku darayaan in Madaxweynaha Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya, kaasoo ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu adeegsaday ‘Xeer Madaxweyne’ markii uu Darajada Jeneraalnimo uu ka xayuubinayay Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) iyo sidoo kale wixii Xuquuq ah uu lahaa Jeneraal Saadaq Joon.

Maalintii Isniinta oo ay bishan Abriilo aheyd 12da, ayey aheyd markii Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar); Xilka Taliyenimo ee Booliska Gobolka Banaadir looga qaadayay Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) isla markaana loo magacaabayay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loona dalacsiinayay Darajada Gaashaanle Sare.

22dii Oktoobar, sanadkii 1970kii ayey aheyd markii Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu Xilka Duqa Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir uu ka xayuubinayay Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cadde (Qooraweyne) isla markaana uu ka saarayay Golihii Sare ee Towrada ee ka koobmi jiray 25ta Xubnood markii lagu daro Jeneraal Jaamac Cali Qorsheel oo Xabsiga la dhigay Bishii Abriilo, Sanadkii 1970kii.

Maanta wuxuu Dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay sidii uu ku sugnaa markii uu Talada Dalka Soomaaliya Xooga Kula Wareegay Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre markii ay Taariikhda aheyd 21dii Oktoobar, Sanadkii 1969kii. Hadaba, sidii baa Dalka Soomaaliya Looga Badbaadi Karaa Madaxweynaha Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya ee Farmaajo, Gudoomiyaha Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya ee Mursal, iyo Inta Taageersanba?

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

Leave a Reply