Madasha Badbaado Qaran Oo Kulan Deg-Deg Uga Socda Magaalada Muqdisho

 

13-04-2021

 

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Golaha Midowga Musharaxiinta, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland, iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa haatan waxaa uu kulan Deg-deg ah uga socdaa Hotel ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee Magaalo Madaxda jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa Xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda Dalka iyo Go’aankii Shalay ay gaareen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Muddo Kordhin loogu sameeyay Hay’addaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Farmaajo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in kulanka u socda Xubnaha Madasha Badbaado Qaran laga soo saari doono War-murtiyeed ku aadan Xaaladda Cakiran ee Siyaasadda Dalka.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo kala ah Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la sheegayaan inay dib ugu laaban doonaan Deegaanadooda oo Muddo ka badan Bil ay ka maqan yihiin.

Kulankan u socda Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Golaha Midowga Musharaxiinta, Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Shalay Xildhibaanada ay Muddo Kordhin Laba Sanno u sameeyeen Hay’addaha Dowladda iyo Farmaajo.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply