Maamul Goboleedyada Jubbaland Iyo Puntland Oo Cadeeyay Mowqifkooda Ku Aaddan Muddo Kororsiga

 

13-04-2021

 

Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa si weyn uga soo horjeestay Go’aankii Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka ay Muddo Kordhin ugu sameeyeen Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Ferderaalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aanka Golaha Baarlamaanka ee Muddo Kordhinta ah uu yahay mid aan Sharci ku dhisneyn isla markaana sababi kara dib u dhac.

“Maamul Goboleedka Jubaland wuxuu cadeynayaa wixii ka dhacay Golaha Shacabka ee Muddo Xileedkiisu Dhamaaday inaysan wax Sharci ah ku dhisneyn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa Hannaanka Geeddi Socodka Dib U-dhiska Dowladnimada Dalka”, ayaa lagu yiri Qoraalka Maamul Goboleedka Jubbaland.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maamul Goboleedka Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka dhacay Inqilaab lamid ah kii uu Talada Dalka kula wareegay Madaweynihii Kelitaliyeha ahaa ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in waxa ka socda Magalada Muqdisho in Maamul Goboleedka Puntland aysan raali ka noqoneyn oo uu sheegay in uu yahay Xukun, boob lagu qaatay; waxaana uu sheegay in Go’aankii Golaha Baarlamaanka uu yahay mid Shari Darro ah.

Warkan kasoo baxay Maamul Goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa Xilli inta badan Siyaasiyiinta Mucaaradka ay kasoo horjeesten Go’aankii Muddo Kordhinta ahaa ee Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xigasho: Shaaciye News

 

Leave a Reply