WAR DEG-DEG: Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Xilka Ka Qaaday Taliye Saadaq Joon

 

12-04-2021

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha Guud ee Qeybta Booliska Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliye Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ahaa Taliyihii Booliska Gobolka, isagoona mid cusub u magacaabay.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare.

Taliye Saadaq Joon ayaa saacad kahor Warbaahinta ka shaaciyay inuu baajiyay Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Fila Hargeysa (Villa Hargeysa) ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Taliyihii Hore ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon in marnaba aan la aqbali doonin Muddo Kororsi Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyaan Hay’addaha Dowladda iyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday Farmaajo.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply