Aqalka Sare Oo Kasoo Horjeestay Muddo Kordhinta Loo Sameeyay Madaxweyne Farmaajo

 

12-04-2021

 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay Go’aankii Golaha Shacabka ay Labo Sano oo Muddo Kordhin ugu sameeyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiye Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa Sharci Darro ku tilmaamay Go’aankii ay Maanta Golaha Shacabka Muddo Kordhinta ugu sameyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

“Mudada Xil Heynta Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya waa 4 sano oo ka bilaabata Maalinta Natiijada Doorashada”ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoonka Aqalka Sare.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply