Amaanka Muqdisho Oo La Adkeeyay Iyo Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulmaya

 

12-04-2021

 

MUQDISHO – Ciidamo dheeraad ah ayaa la soo dhigay dhamaanba Jidadka soo gala Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo Maanta oo Isniin ah lagu waddo in Xildhibaannada Baarlamaanka fadhi ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa.

Kulanka maanta ayaa Xalay lagu wargaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Fariinta loo diray Xildhibaannada ayaa sidan u qorneed;

M.ne Xil Beri oo Isniinah oo ay Tar 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.
Agendaha 1. Ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka
Saacadu waa 09:00 subaxnimo.

Waxaa soo baxaya shaki la xiriira in marka dambe Guddoonka Baarlamaanku Cod galiyo Mooshinka, halkaana uu ka soo baxo Muddo Korarsi Muddo dheerba la hadal hayay.

Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gabi ahaanba Fashil ku soo idlaadeen Kulamo xiriir ah oo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Gobolleedyada ka yeesheen Arrimaha Doorashooyinka, waxaana ay ku eedeysay Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay Mas’uul ka yihiin Wada-hadallada fashilmay.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa baaqday Kulamo uu yeelan lahaa Baarlamaanka, kaasoo Xildhibaannada Mucaaradku ku sheegeen in la qorsheynayay Muddo Korarsi Labo Sano ah oo la horkeeno.

Xigasho: Hiran Online News iyo Somali Weyn News

Leave a Reply