Sarkaal Katirsanaa Booliska Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Dilay

 

11-04-2021

 

Kooxo hubeysan ayaa Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ku dileen Maanta Sarkaal katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya, iyada oo Dilka kadib ay Goobta ka baxsadeen.

Sarkaalka la dilay oo Caan ka ahaa Xaafada Seybiyaano ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Doollar), waxaana uu katirsanaa Booliska Soomaaliya.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka Dilka uu ka dhacay, kuwaas oo Goobta ka qaaday Meydka, isla markaana geeyay Xarunta Hay’adda Dambi Baarista ee CID (CID: Criminal Inestigation Department).

Qof kamid ah Dadka ku nool Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay sidoo kale sameeyeen Howlgallo ay ku baadi goobayeen Dadkii ka dambeeyay Dilkaas wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigan.

Majiro Cid weli sheegatay Mas’uuliyadda Dilka Degmada Hodan loogu geystay Sarkaal katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya, hayeeshee Dilalka Qorsheysan oo noocaas oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply