Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Isku Bedelay Wasiirada Labo Wasaaradood

 

11-04-2021

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta isku bedelay Wasiirada labo Wasaaradood oo katirsan Xukuumaddiisa.

Isbedelka ayaa ka dambeeyay Dalab ka yimid Madaxweynaha Muddo Xileedkisa Dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay.

Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo wareejiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa loo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa Xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada soo hayay Muddo afar sano, wuxuu Xilkaas hayay illaa Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Lama oga Arrimaha soo dedejiyay Isbedelkan Wasiirada, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inay kamid tahay Arrimo Siyaasadeed iyo Danaha Xilliyada Doorashada.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply