Ciidamada DF Iyo Kuwa Maamul Goboleedka Jubbaland Oo Howlgal Ku Dilay Xubno Katirsanaa Al-Shabaab

 

11-04-2021

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxey sheegayaan in Saacadihii lasoo dhaafay ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedka Jubbaland ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen qeybo kamid ah Gobolka Jubada Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah Ciidamadu ay uga sameeyeen Deegaanada Koban, Araare, Lafaha-Ragga iyo Xero–Shiid, kuwaas oo ka wada tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Ugu yaraan 10 Xubnood oo isugu jiro Saraakiil iyo Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Howlgalkaasi, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Deegaanka Buulo-Gaduud oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay shaaca ka qaadeen inay sii wadi doonaan Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka wadaan Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Xigasho: Shabelle Media Network

Leave a Reply