Qarax Qasaaro Dhaliyey Oo Ciidamo Lagula Eegtay Magaalada Muqdisho

 

10-04-2021

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xoogan oo ka dhacay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaano Biyo-dega, kaasi oo Jugtiisa laga maqlay Xaafaddo katirsan Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir .

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Qaraxaas lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Kaarib oo ay saarnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Booliska Dowladdav Federaalka, xili ay marayeen Biyo-dega ee Degmada Hiliwaa.

Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxaas oo soo gaaray Dad shacab ah oo Wadada marayay, waxaana la xaqiijiyay inay dhinteen Laba Qof oo shacab ah, uuna dhaawacmay Darawalkii waday Gaariga.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn Goobta ayaa tegay halkaas, isla markaana sida caadada u aheyd xiray Aaga uu Qaraxu ka dhacay, wallow dhowr Daqiiqo kadib ay fureen.

Laamaha Amniga Dowladdav Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin Qaraxaas Qasaaraha geystay ee ka dhacay Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, waxaana horey Caasimadda uga dhacay Qaraxyo kala duwan oo Qasaaro dhaliyay.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply