Is-miidaamin Ka Dhacday Baydhabo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

 

10-04-2021

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qasaaraha ka dhashay Qarax Is-miidaamiin ahaa oo Barqanimadii maanta ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo uu fuliyey qof isku soo xiray Walxaha qarxa ayaa ka dhacay Maqaayad lagu shaaxo oo ku taalla Bartamaha Magaalada, xilli ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobolka Baay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in qaraxaasi uu ka bad-baaday Guddoomiyaha Gobolka, Cali Wardheere Dooyow, balse waxaa waxyeelo ay soo gaartay qaar kamid ah Ilaaladiisa iyo Dad kale oo shacab ah.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 4 Qof ayaa ku dhintay Qaraxan, iyada oo ay ku dhaawacmeen 6 kale oo isugu jiro Askar iyo Dad kale oo shacab ah.

Sidoo kale waxaa Goobta gaaray Ciidamo katirsan kuwa Ammaanka ee Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed oo Howl-gallo kooban ka sameeyey meesha ay wax ka dhaceen.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Saraakiisha Ammaanka ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xigasho: Shabelle Media Network

Leave a Reply