Goleyaasha Guurtida Iyo Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ansixiyay Xeerar Kala Duwan

 

10/04/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa asixiyay Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasada, Xeer Lanbar 14/2021, kaasi oo ay wax ka badal iyo kaabis ay ku soo sameeyeen Golahaasi.

Fadhigaasi oo uu shurgudoominaayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ka soo xaadiray 45 Xildhibaan. Markii cod loo qaaday waxaa ogolaaday 40 Xildhibaan. Waxa diiday 3 Xildhibaan. Waxa ka aamusay 1 Xildhibaan; Gudoomiyuhuna ma codeyn. Sidaasi ayey Xildhibaanadu ku meelmariyen Xeerkaasi Nidamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasada ee Dalka.

Geesta kale, Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shirgudoominaayey Gudoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golahaasi Mudane Siciid Jamac Cali ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay meelmariyeen iyagoo wax Ka-badel iyo Kaabis ku sameeyay Xeerka Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ,xeer 95/2021.

Fadhigaasi oo ay ku sugnaayeen 48 Mudane, ayaa Shirgudoonku waxa uu Mudanayaasha ka codsaday in Cod Gacan Taag ah loo qaado sidii Xeerkaasi kaga soo gudbay Golaha Wakiilada iyo Wax Ka-badalka ay ku sameeyeen Gududa Shuruucada ee Golaha Guurtida Somaliland.

Cod qaadis kadib, 22 Mudane ayaa ogolaaday in Xeerkaasi lagu ansixiyo sidii uu kaga soo gudbay Golaha Wakiilada, halka 25 Mudane ay u codeeyeen in Xeerkaasi lagu ansxiyo Kaabista iyo Wax Ka-badalka ay ku sameeyeen Gududa Shuruucada ee Golaha Guurtidu, iyadoo Gudoomiyuhuna aanu codeyn, cid ka aamustayna aanay jirin. Xeerkaasi waxa uu ku ansaxay Kaabistii iyo Wax Ka-badalkii ay ku sameeyeen Gudida Shuruucda ee Golaha Guurtidu.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa Kulan ku saabsan Xaaladda Abaaraha ee Gobolkaa ka jirta iyo Xakamaynta Xannuunka Covid 19 la qaatay Isuduweyaasha Laamaha Dawlada ee Gobolkaas ku sugan.

Sida uu ku soo waramaayo Wariyaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA Liibaan Qaran kulankaasi Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, intii uu socday waxa lagu gorfeeyay sidii loogu gurman lahaa Dadka Abaaruhu haleleen ee ku sugan Degaanada kala duwan ee Gobolkaas.

Geesta kale, Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe wuxuu Guddida Abaaraha ee Gobolkaas u magacaabay Masuuliyiinta ama Isuduweyaasha Hay’addaha kala duwan ee ka hawl-gala Gobolkaas, kuwaas oo ay kamid ahaayeen, Isukuduwaha u Diyaargaroowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka, Iskuduwha Xanaanada Xoolaha, Iskuduwaha Beeraha, Iskuduwaha Deegaanka, Iskuduwaha Qorshaynta, Iskuduwaha Biyaha, Iskuduwaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, Xoghayaha Gobolkaas iyadoo Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool-na uu Guddidaas u noqon doono Guddoomiye.

Ugu dambayn Guddoomiye Cabdiqani Maxamamuud Jiidhe wuxuu Guddidaas u soo jeediyay inay Qiimayn dhab ah ku soo sameeyaan Xaaladda Abaaraha ee ka jirta Degaano katirsan Gobolka Sool, waxaanuu xusay in marka Qiimayntaasi dhammaato laga hawl-gali doono sidii Dadkaas loogu gurman lahaa.

Leave a Reply