Taliska Booliiska Jowhar Oo Soo Saaray Amarro La Xiriira Amniga

 

09-04-2021

 

Taliska Booliska Magaalada Jowhar ayaa diyaariyey Ciidamo gaar ah oo loogu talo galay Sugida Amniga Magaalada Jowhar iyo Duleedkeeda inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ciidamada Booliska ayaa Qorshohoodu yahay in Amniga Magalada Jowhar ay xaqiijiyaan Maalmaha Bisha Ramaadaan oo Maalmo kooban ay ka harsan tahay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in ay ka hortagi doonaan Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan Magaalada, iyo Dadka Ma-soomayaasha.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Cidii lagu arkayo, iyadoo u furan Maqaayad tilaabo laga qaadi doono, islamarkaana Sharci la horgeyn doono.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply