Dagaalkii Soomaalida Itoobiya Iyo Canfarta Itoobiya Oo Heshiis Laga Gaaray

 

09-04-2021

 

Madaxweynayasha Soomaalida iyo Cafarta Itoobiya ayaa la iskugu keenay Shir ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Dowlada Dalkaaso, si loo xaliyo Dagaalo Maalmahan Ciidamada Labada Maamul dhexmarayey, kaasoo salka ku haya Degaano lagu muransan yahay.

Qodabada ay ku heshiiyeen Madaxwaynayaasha Soomaalida iyo Canfarta ayaa waxaa kamid ah kuwa soo socdo:

1) In la joojiyo Colaada, Ciidamada labada dhinacna ay ka durkaan Jidka Laamiga ah ee isku-xira Awash iyo Jabuuti ugu yaraan 10km (Dhanka Bari Soomaalida, dhanka Galbeedna Canfarta).

2) In Qadiyada Saddexda Magaalo ee Garab-Ciise, Candhuuf Macaan (Candhuftu) iyo Cadey (Cadeytu) lagu xalin doono Nidaam Sharci ah inta ka horaysana ay Ciidamada Qaranku sugayaan Amniga Shacabka Magaalooyinkaas; isla markaana la baaro Weerarkii iyo Waxyeeladii Shalay ka dhacday Cadey (Cadaytu) iyo guud ahaan isku dhacyadii u dambeeyay.

3) In aan Deegaamayn Cusub la samayn karin Aaga Colaadu ka jirto oo ah Aaga Ka Caagan Ciidanka.

4) In Hay’adaha Amniga ee Qaranka ay Beri laga bilaabo tagaan Goobta isla markaana ay xaqiijiyaan Fulinta Qodobadaas lagu heshiiyay.

Heshiiska waxaa Qalinka ku duugay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta Awal Arba.

Ugu yaraan boqol Qof ayaa ku dhintay Dagaalo Maalmihii la soo dhaafay Xadka Labada Maamul ee Soomaalida Itoobiya iyo Canfarta Itoobiya ku dhexmaray Ciidamada Labada Maamul, halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Xigasho: Wardoon News

 

Leave a Reply