Shacabka Dalka Jabuuti Oo Maanta U Dareeray Doorasho

 

 

09-04-2021

 

Shacabka Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ay Maanta oo Jimca ah u dareereen Codbixinta Doorashada 2021 oo ay ku tartamayaan Madaxweynaha Xukunka Haya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharaxa Madaxbannaan ee Sakariye Ismaaciil Faarax.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Hay’adaha Ammaanka, Waaxda Caafimaadka iyo Guddiga Doorashada faray in ay ku dedaalaan asiloonida Jamhuuriyadda inta lagu howlan yahay Codbixinta Doorashada.

Goobaha Dadka ay ku codeynayaan ee la dhigey Sanduuqyada Codeynta waxaa lagu diyaariyay Gacmo Dhaq, Marada Afka iyo Sanka daboosha, waxaana aad loo ilaalinayaa isu dhawaanta Dadka sida ka muuqaata Muuqaallada laga soo duubay Goobaha Codbixinta.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kamid ah dadka Saakay Codkooda dhiibtay.

Guddiga Doorashada ayaa marka uu soo dhammeeyo Codbixinta Dadka qaatay Kaararka ayaa xiri doona Goobaha Codeynta, waxaana uu ku dhaqaaqayaa Tirinta, si Natiijada usoo baxda uu u shaaciyo sida ku xusan adwal Howleedka Guddigaas.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply