Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kusii Jeedda Degaano Ay ka Baxeen Al-Shabaab

 

09-04-2021

 

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Qeybtiisa Degaanada Galmudug ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay ka baxeen Degaano ku yaalla Gobolka Galgaduud oo Ciidanka Xoogga Dalka ay kaabiga ku hayeen Saacaddihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa kusii durkaya Magaalada Ceel-laheley ee Gobolka Galgaduud oo iminka ujirta wax ka yar 20 KM.

Taliska ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay ka guureen magaalada Ceel-lahelay, islamarkaana ay gaari doonaan Saacaddaha soo socda.

Taliyaha Guutada 15aad, Jeneraal Mascuud oo Ciidanka hoggaaminaya ayaa sheegay in Howlgallada ay sii socon doonaan tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Ceelbuur.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply