Saraakiil Iyo Maleeshiyaad Katirsan Al-shabaab Oo Lagu Dilay Jubbada Hoose

 

08-04-2021

 

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Darawiishra Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Howlgallo wadajir ah ka sameeyeen Degaano katirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Howlagalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ay sigaar ah Howlgalka uga fuliyeen Degaannada, Koban, Araare, Lafaha-Ragga iyo Xero-Shiid kuwaas oo dhamaantood u dhaw Degaanka Buula Gaduud ee Gobalka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha Degaanka Buulo Gaduud Mahad Mataan Buulle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada lagu dilay ilaa 10 isugu jira Saraakiil iyo Dagaalamayaal katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha waxaa uu sidoo kale sheegay in Ujeedka Howlgalka uu ahaa mid Amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana la doonayay in Maleeshiyada Al-Shabaab looga saaro Degaannada Howlgalka laga fuliyay.

Xigasho: Somali Weyn News

Leave a Reply