Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Hargeysa Ka Furay Kulan Lagu Gorfaynaayo Horumarka Dalka

 

08/04/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay Daahfurka Dalladda Sahamiye oo uu hirgeliyey Aasaasaha Shirkada World-Remit, Ismaaciil Axmed, taas oo Ujeedadeedu ahayd sidii Xal loogu heli lahaa Caqabadaha hortaagan Horumarka Somaliland, loona kobcin lahaa Hal-abuurka Ganacsi ee Bulshada.

Ganacsade Ismaaciil Axmed ayaa balan qaaday inuu u huri doonaa Mashaariicda Horumarinta ee Somaliland Lacag dhan shan milyan oo Doollar ($5.00 Milyan) oo ah Han-tidiisa iyo Maalgashi uu dalka ka fulin-doono tobanka Sanno ee soo socda.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo goobtaas hadalo ka jeediyay ayaa u mahadceliyay Ganacsadahaas, waxaanuu sheegay in ay tahay Talaabo fiican oo uu Dalkisa iyo Dadkiisaba waxa ku taray.

Leave a Reply