Dagaal Qasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

 

08-04-2021

 

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen Bar Koontorool oo Ciidamo katirsan kuwa Dowladda ku leeyihiin Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Dagaal Saacado kooban socday uu Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Koontoroolka Buurane ee Degmada Mahadaay, isla markaana ay maqlayeen Dhawaqa Hubka noocyadiisa kala duwan oo dhinacyada isku adeegsanayeen.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Dagaalka ay ku dhinteen laba Askari oo katirsan Ciidamada Dowladda tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa Ciidamada ku sugan Koontoroolka Buurane.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxaa ay sheegayaan in muddo Saacado kooban ah ay Al-Shabaab la wareegeen Barta Koontorool ee Degaanka Buurane, kadib markii Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin Weerarkaas ka dhacay Degmada Mahadaay, iyada oo dhwor jeer Degmadaasi ay weerareen Al-Shabaab.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply