(UPDATE 1) Faalada Maanta – Kulanka Kuwii Dhigayay Riwaayada Siyaasadeed Ee Shirka Wadatashiga Doorashooyinka Iyo Kuwii Loo Dhigayay Riwaayada Siyaasadeed Ee Afisyoone

 

07-04-2021

 

Waxaa Maanta dib u bilowday Riwaayaddii Siyaasadeed ee Shirka Wadatashiga Doorashooyinka oo ay dhigayeen Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo, Siihayehiisa Xilka Gudoonka Baarlamaanka ee Mursal, Taageerayaashiisa Dahsoon ee Deni, Madoobe iyo Laftagareen; iyo kuwii ay u dhigayeen Riwaayaddii Siyaasadeed ee Shirka Wadatashiga ee Doorashooyinka sida Siihayaha Xilka Wasiir Koowaadka ee Rooble, Qoor-qoor, Guudlaawe iyo Filish.

Gebabegbada Riwaayadda Siyaasadeed ee Shirka Wadatashiga ee Doorashooyinka ee Teendhada ka dhextaagan Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Afisyoone ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaliya ee Muqdisho, ayaa noqon doonto Tanasul ay uso sameeyaan Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo, Siihayehiisa Xilka Gudoonka Baarlamaanka ee Mursal, Taageerayaashiisa Dahsoon ee Deni, Madoobe iyo Laftagaree; iyagoona isu tusin doono kuwa ay u dhigayeen Riwaayaddii Siyaasadeed ee Shirka Wadatashiga ee Doorashooyinka iyo Dadweynaha Soomaaliya intooda kalaba; iney hee fiiriyeen/eegeen ‘Danta Soomaaliyeed’.

Hase yeeshee, ma fiirinayaan, ma eegayaan Danta Soomaaliyeed ee waxey Daah saarayaan Sedbuursiga Degaaneed oo ay haaystaan isla markaana ay ka haaystaan kuwa ay u dhigayaan Riwaayada Siyaasadeed sida Siihayaha Xilka Wasiir Koowaadka ee Rooble, Qoor-qoor, Guudlaawe iyo Filish; iyo Dadweynaha Soomaaliya intooda kalaba.

Ugu dambeysti, Kuwa Dhigayo Riwaayada Siyaasadeed ee Shirka Wadatashiga ee Doorashooyinka ee Afisyoone waxey Sharciyeysanayaan Sedbuursiga Degaaneed oo ay haaystaan maadaama ay ku fadhiyaan laga soo bilaabo Boosaaso ilaa Waqooyiga Gaalkacyo; hadane ay kusii fadhiyaan laga soo bilaabo Raas Kambooni, Beled Xaawo iyo Doolow ilaa iyo Kiiloo Mitir 13 ee Koofurta Muqdisho. Waxaa hubaal ah iney hada ka dhabeynayaan Fikradii laga sheegi jiray Paltalk sanadkii 1995tii, taasoo aheyd in goorey ahaataba leysu cabiri doono laga bilaabo Koofurta Gaalkacyo ilaa iyo Waqooyiga Muqdisho.Weydiinta hada taalo waxey tahay: maxaa loo garan la’yahay kuwa dhigayo Riwaayada Siyaasadeed ee Shirka Wadatashiga Doorashooyinka ee Afisyoone ee Magaalada Muqdisho?

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

Leave a Reply