Waxaa Baaqday Shirkii Maanta Ka Furmi Lahaay Teendhada Afisyooni

 

06-04-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo sheegayaa in Shirkii Wadatashiga ee Arimaha Doorashooyinka ee 3dii Bishan ka furmay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho isla markaana lagu balansanaa in Maanta uu dib ugu furmo Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya, 5ta Maamul Goboleed, iyo Gobolka Banaadir; ayaa Fashil ku yimid.

Wayaabaha fashiliyay ee lasoo sheegayo, ayaa waxaa kamid ah Maqnaashaha Madaxweynaha Maamul Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo Shalay u dhoofay Xarunta Maamul Goboleedka Gal-Mudug ee Dhuusamareeb, isagoo ilaalinayay Dastuurkaa Gal-Mudug ee dhigayo inuusan Gal-Mudug ka maqnaan karin 45 Maalmood.

Madaxda Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya iyo 4ta Maamul Goboleed (Hir-Shabeelle, Jubaland, Koofur Galbeed, iyo Puntland) ayaa isku raacay in Shirka leysugu yimaado Maalinta Berito ah, iyada oo Madaxa Gobolka Banaadir Cumar Filish uu Goobjoog ka yahay isla markaana uusan wax Cod ku laheyn Shirka ka socdo Teendhada laga dhextaagay Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Afisyoone ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

 

Leave a Reply