(UPDATE 2) Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya Ayaa Maanta La Kulmay Murashax Xuseen Caydiid

 

05-04-2021

 

This Combo Photo shows Presidential Candidate of the Republic of Somalia Hussein Mohamed Farah Aidid (L) and the Current Prime Minister of the Republic of Somalia Mohamed Hussein Roble. Photos: Via Radio Mogadishu and Facebook

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya uu maanta la kulmay Murashax Madaxweyne Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo dhawaantan ku dhawaaqay inuu kamid yahay Murashixiinta Xilka Madaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warka wuxuu ku darayaa in Wasiir Koowaad Rooble iyo Murashax Madaxweyne Xuseen Caydiid ay ka wada-hadleen guud ahaan Xaalada Dalka Soomaaliya, gaar ahaana sidii ay u qabsoomi lahaayeen Doorashooyin Aanan Hal Dhinac Aheyn isla markaana Nabdoon, siina ah Xor iyo Xalaal; iyadoo lasii Ilaalinayo Dowladnimo Kusaleysan Demoqaraadiya.

Murashax Xuseen Caydiid ayaa ugu dambeynti ka mahadnaqay soo dhaweyntii uu Wasiir Koowaad Rooble uu isaga u sameeyay.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

 

Leave a Reply