Wasaaradda Caafimaadka XFS Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Covid-19

 

05-04-2021

 

MUQDISHO (SONNA) – Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Warbixinteeda Maalinlaha ah ee Xogta COVID-19 ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay Cudurka COVID-19 laga baaray 1176 Ruux.

Warbixinta Maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee Xogta COVID-19 ayaa lagu sheegay in la diiwaan geliyey 160 Bukaan Cusub oo la nool Cudurka COVID-19, taas oo ka dhigan in weli ay jirto Khatarta uu Dalka ku haayo Cudurka Safmarka ah ee COVID-19.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay 11 qof ay u dhimatay Cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.

Cudurka COVID-19 ayaa u muuqdo mid sii faafaya ayadoo ay jirto in Bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan muujineyn taxadarka ka hortaga Cudurka COVID-19, Wasaaradda Caafimaadka ayaa wado dadaalo lagu wacyi gelinayo Bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Reply